Home » . » Rasmi: goos gooska kooban filimka Sanju oo lasoo bandhigay Ranbir oo Sanjay isku badalay (+Video)

Rasmi: goos gooska kooban filimka Sanju oo lasoo bandhigay Ranbir oo Sanjay isku badalay (+Video)

Waxaa hadda si toos ah loo soo bandhigayaa goos gooska kooban (Teaser) ee filimka Sanju ee looga hadlaayo nolosha Super star Sanjay Dutt.

Ranbir Kapoor wuxuu muujiyay inuu yahay jilaaga dhalinta Bollywood-ka ugu xirfada badan asigoo door walbo sameyn karo weliba filimka Sanju waa mid taariikhda u gali doono.

Ranbir Kapoor ayaa gabi ahaanba Sanjay Dutt iska dhigay mana la kala saari karo muuqaal ahaan iyo xarago ahaan kaliya farqiga u dhaxeeyo labadooda waa codka ee inta kale lama kala saari karo.

Director Rajkumar Hirani waa ninkii sameeyay taxanaha Munna Bhai, 3 Idiots iyo PK balse wuxuu sheegay filimka Sanju inuu yahay midka ugu dhib badan ee uu sameeyo uguna saameynta badnaan doono!

Waxaa ilaa haatan lala yaaban yahay Rajkumar Hirani iyo Ranbir Kapoor sida ay ugu cadaalad faleen filimka Sanju ee nolosha Sanjay looga hadlaayo goos gooska laga soo bandhigay waxaana la daawan doonoaa 29 June 2018.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) ee filimka Sanju laga soo bandhigay kadib fikirkaaga nala wadaag:

One Response to Rasmi: goos gooska kooban filimka Sanju oo lasoo bandhigay Ranbir oo Sanjay isku badalay (+Video)

  1. Ayaan muuse

    April 24, 2018 at 5:34 pm

    cajiib waan sugi karilahay Ranbir inaba caadi maaha saaka inaa daawadan doonayey lkn waqti baan uwaayey mahadsanid zakarie Abdi