Hollywood-ka waxaa gil gashay aqbaarta ku aadan in halyeega laga dambeeyo Tom Hanks iyo xaaskiisa Rita Wilson oo iyadana ah atirisho caan ah laga helay caabuqa halista badan Coronavirus oo haatan dunina dhibaato xoogan ku haayo.

Tom Hanks iyo Rita Wilson waxaa baaritaan lagu sameeyay mar ay tageen dalka Australia kadibna waxaa la xaqiijiyay baaritaankii lagu sameeyay inay Coronavirus qabaan haatana xaalad karantiil ah ayaa la galiyay ayagoo daaweyn deg deg ah loo sameenayo si uusan caabuqan halis deg deg ugu geesanin.

Tom Hanks oo 63-jir ah ayaa baraha bulshada ku xaqiijiyay in isaga iyo xaaskiisa Rita Wilson oo 63-jir ah caabuqan halista badan laga helay weliba lama filaan ku noqotay markii loo sheegay inay Corona qabaan sidoo kalena xaalad ahaan haatan aad u wanaagsan yihiin laakiin ay raaci doonaan shuruucda iyo hanaanka dalka Australia sidoo kalena xaalad karantiil ah la galiyay.

Shirkada Warner Bros iyadana wey xaqiijiyay in Tom Hanks iyo xaaskiisa Coronavirus ku dhacay xili ay dalka Australia u tageen inay xayeysiin u sameeyaan filimkooda nolosha heesaa Elvis Presley looga hadlaayo ee uu Tom Hanks hogaamiye ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here