Marnaba ma hakanaayo Superstar Akshay iyo kooxdiisa Husefull 4 filimkooda wuxuuna keenay 24 Crore (Trade Figure) maalintii shalay ahayd Talaadadiisa kowaad sida shabakada Boxoffice India (BOI) ay soo daabacday weliba ganacsi aad u weyn ayuu ka sameenayaa gobolada fog fog wuxuuna ka yara faa’iideestay fasixii Diwali oo weli gobolada qaar ku dambeeyo.

Ganacsi taariikhi ah ayuu Gujarat / Saurashtra ka sameenayaa Housefull 4 madaama 5-maalmood ugu horeyso uu 5 Crore ka keenay kaliya sidaas waxaa sameeyeen Bahubali 2 iyo Golmaal Again laakiin labadaas filim ganacsigaan oo kale waxay halkaas kaga sameeyeen sedexda maalmood ugu horeyso.

Filimka Housefull 4 haatan mudo 5-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 109 Crore (Trade Figure) waana ganacsi heer sare ah waa qasab in maanta oo Arbaco ah mashruucan hoos u dhac sameeyo madaama maalin shaqo tahay balse waxaa laga rabaa Arbaco iyo Khamiis inuu ganacsi ahaan is celiyo kadibna wuxuu guda gali doonaa todobaadkiisa labaad asigoo u suura gashay in todobaadkiisa kowaad uu keeno 125 Crore qiyaas ahaan waana lacag aad u badan marka loo eego xumaanta filimkan laga faafinaayay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Housefull 4 iyo 5-maalmood ugu horeyso ganacsiga uu sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Jimco – 18.50 Crore

Sabti – 18 Crore

Axad – 14.25 Crore

Isniin – 34.25 Crore

Talaado – 24 Crore

Wadarta Guud – 109 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here