Rasmi Housefull 4 oo noqday filimada Akshey Kumar midkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay iyo ganacsigiisa halka uu maraayo.

1
1024

Inaba caadi ma ahan Akshey Kumar filimkiisa Housefull 4 oo isbuuciisa sadaxaad soo xareeya 9.50 crore inkastoo uu sameeyay 70% hoos u dhac hadana waxaa hoos u dhacaas sabab u ah in tiyaatarada filimkaan isbuuciisa sadaxaad la yareeyay.

H4 ayaa haatan ah filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Akshey Kumar dhamaan filimadiisa wuxuuna ganacsigiisa guud marayaa 194 crore nadiif ah asigoona maalintii shalay aheyd keenay 4.50 crore.

H4 ayaa darajada 200 crore ka talaabi doono dhamaadka isbuucaan wuxuuna beegsan doonaa rikoorka filimka Golmaal Again.

Hadaba halkaan kaga bogo lacagaha uu filimkaan ilaa iyo haatan soo xareeyay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad; 48.75 crore.

Jimcadiisa sadaxaad; 2 crore.

Sabtidiisa sadaxaad; 3 crore.

Axadiisa sadaxaad; 4.5 crore.

Wadarta sadaxda maalmood ugu horeyso isbuuciisa sadaxaad; 9.50 crore.

Wadarta guud ee filimka; 194.11 crore.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here