Filim sameeye Karan Johar mashruuciisa uu maal galinaayo Gunjan Saxena: The Kargil Girl sidoo kalena hogaamiye ka tahay Janhvi Kapoor lama saari doono tiyaatarada waxaana si Online ah looga daawan doonaa barta Netflix.

Filimka Gunjan Saxena waxaa markii hore la daawan lahaa 24 April 2020 balse taasi ma suura galin haatana waxaa la sheegay rajada la qabo waxay tahay bisha July in si kooban tiyaatarada loo furo sidaa darteed Karan Johar wuxuu qaatay go’aan ah inuu shirkada Netflix filimkiisa ka iibiyo dhawaana si Online ah ayaa loo daawan doonaa.

Janhvi Kapoor waxay filimkan ku mataleysaa nolosha gabadhii ka tirsanaan jirtay ciidama cirka Hindiya duuliye Gunjan Saxena oo dagaalkii Pakistan iyo Hindiya ku dhex maray Kargil kaalin muuqato ka qaadatay waxaana filimkan doorar muhiim ah ku leh Pankaj Tripahi oo Gunjan aabaheed ku jilaayo iyo Angad Pedi oo Gunjan walaalkeed ku matalaayo mashruucan.

Filimka Gunjan Saxena wuxuu ka mid noqday aflaanta Bollywood-ka ee sida Online ah loo daawan doono kuwaas oo tiyaatarada ka baaqdeen waxaana la wada sugaa barta Netflix waqtiga ay ku dhawaaqi doonto in si toos ah loo daawanayo filimkan fariintiisa waaqiciga ah tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here