Waxaan horey idin kula wadaagnay in Director Mohit Suri filimka Ek Villain 2 sameenayo waana qaybta labaad filimkii Ek Villain ee sanadii 2014 Sidharth Malhotra, Shraddha Kapoor iyo Reteish Deshmukh wada jileen sidoo kalena Super Hit noqday.

Mashruuca Ek Villain 2 waxaa isla maal galinataa Bhusham Kumar iyo Ekta Kapoor waxaana hogaamiyaal looga dhigay John Abraham iyo Aditya Roy Kapur oo filimkan si adag ugu xifaaltami doonaan waxaana la daawan doonaa 8 Janaayo 2021.

Haatana waxaa shaaca laga qaaday labada atirisho ee soo jiidashada badan Disha Patani iyo Tara Sutaria in lagu soo daray weliba Tara waxay jaceyl shaashada kula matali doontaa Aditya halka Disha iyadana John lamaantiisa noqon doono filimkan oo si caalami ah loo duubi doono Action, qayaano iyo muusig shidan ayaa udub dhexaad looga dhigi doonaa fariintiisa.

Filimka Ek Villain 2 waxay duubistiisa bilaaban doontaa bartamaha sanadkan sidoo kalena sedex bilood xariir ah ayaa shaqadiisa lagu soo idleyn doonaa weliba John iyo Aditya doorarkooda mid xumaan gaar ah ayuu xambaarsan yahay waana labo qamarji oo aan dadka u naxariisan doonin balse dhinaca jaceylka ka nugul iyagana ayaana is ugaarsan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here