Home » Wararka Maanta » Rasmi: Jilaayaasha Race 3 oo lasoo dhameestiray, xiliga duubis lagu bilaabayo iyo waqtiga la daawan doono

Rasmi: Jilaayaasha Race 3 oo lasoo dhameestiray, xiliga duubis lagu bilaabayo iyo waqtiga la daawan doono

Mashruuca weyn ee hirgalay Race qaybtiisa sedexaad ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay jilaayaasha waxaa kaloo shaaca laga qaaday xiliga laha hawl galaayo iyo waqtiga sida rasmiga ah loo daawan doono.

Mega Star Salman Khan ayaa hogaamiye ka ah Race 3 haatana soo saare Ramesh Taurani wuxuu shaaca ka qaaday in lasoo gaba gabeeyay dhamaan jilaayaasha kale filimkaan weyn kasoo muuqan doonaan:

Director: Remo D’Souza

Hogaamiye: Salman Khan

Atirisho kowaad: Jacqueline Fernandez

Atoore labaad: Bobby Deol

Atirisho labaad: Daisy Shah

Atoore caawiye/laadar xigeen: Saqib Saleem wuxuu kusoo caan baxay filimkii Mujhse Fraaandship Karoge (2011)

Laadarka ugu weyn: Freddy Daruwala (waa jilaagii filimka Holiday laadar ka ahaa)

Duubista Race 3 waxay bilaaban doontaa 9-ka bishan November waxayna ka bilaaban doontaa magaalada Mumbai goobta hoose ayaana loo diyaariyay ee sawirada ka muuqdaan kadiba jadwal aad u dheer Dubai lagu soo duubi doonaa.

Race 3 Waxaa La Daawan Doonaa: Eid 2018 sidaa darteed markale Salman Khan wuxuu calaameestay feestada Ciidul Fitriga oo uu caan ku yahay aflaantiisa la daawado.

Aqriste Fikirkaaga Nala Wadaag Jilaayasha Race 3 Iyo Hamiga Aad Ka Qabtid………………….

3 Responses to Rasmi: Jilaayaasha Race 3 oo lasoo dhameestiray, xiliga duubis lagu bilaabayo iyo waqtiga la daawan doono

  1. salman khan fans

    November 3, 2017 at 2:11 pm

    all time blockbusters

  2. djlee

    November 4, 2017 at 9:34 am

    filimkaan waxa faaiddada ugu wayn ku qaba boby doel waa hadii uu guulaysto maadama dharafkiisi dib usoo celinayo

  3. abdinajiib bogser

    November 4, 2017 at 1:27 pm

    race waa filmka an inama caadi ahayn waanu guulaysanayaa