Rasmi: John Abraham filimkiisa Parmanu iyo todobaadka kowaad ganacsiga uu sameeyay

John Abraham filimkiisa Parmanu – A Story Of Pokhran ayaa ganacsi wacan sameeyay todobaadkiisa kowaad kadib maal maha shaqada uu si heer sare ah isku celiyay.

Parmanu todobaadkiisa kowaad wuxuu keenay 34.50 Crore (Trade Figure) sida shabakada BOI soo daabacday waxaana xusid mudan in sedexda maalmood ee ugu horeesay uu keenay 20 Crore taasi oo ka dhigan 70% ganacsigiisa wacan inuu sameeyay maal maha shaqada.

Parmanu – A Story Of Pokhran wuxuu noqday filimka John Abraham kaligiis hogaamiye ka yahay ee lacagaha ugu badan todobaadkiisa kowaad soo xareeyo wuxuuna ganacsi adag ka sameenayaa sedexda magaalo ee muhiimka ah Mumbai, Delhi /UP iyo East Punjab.

Parmanu waa inuu todobaadkiisa labaad ganacsi wacan sameeyaa si mashruucaan 44 Crore xambaarsan u noqdo mid guuleesto wuxuuna heestaa fursad wacan ilaa 15-ka bishan June markaas oo uu tiyaatarada la wareegi doono filimka weyn Race 3.

1 Comment

  1. wuu kabaxsaday john abraham maxaaa yeelay wuxuu layimid filim qiso leh…waxeyna u egtahay inuu sooo ceshan doono awoodiisa boxx oficka.

    well done john…

Comments are closed.