Home » Box Office » Rasmi: John Abraham filimkiisa Parmanu oo ganacsi adag sameeyay Tijaabadii Isniinta wuu ka gudbay

Rasmi: John Abraham filimkiisa Parmanu oo ganacsi adag sameeyay Tijaabadii Isniinta wuu ka gudbay

John Abraham iyo Diana Penty filimkooda Parmanu – The Story Of Pokhran ayaa tijaabadii Isniinta ka gudbay kadib markii 20% hoos u dhac ka yar uu sameeyay marka ganacsigiisii Jimcada lala bar bar dhigo.

Parmanu ayaa keenay 4 Crore (Trade Figure) Isniintiisa kowaad wuxuuna haatan mudo afar maalmood ah soo xareeyay 24.25 Crore (Trade Figure).

Parmanu todobaadkiisa kowaad wuxuu keeni doonaa 35 Crore waana ganacsi wacan marka loo eego in sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay uu keenay 20 Crore waxaana la islahaa maal maha shaqada gaabis ayuu muujin doonaa balse haatan fariintiisa wacan ayuu daawadayaal kusoo jiidanayaa.

Parmanu oo miisaaniyad 44 Crore xambaarsan wuxuu si adag kaga gadmayaa sedexda suuq ee Hindiya ugu muhiimsan Mumbai, Delhi/UP iyo East Punjab taasi oo xaqiijin doonto ganacsigiisa inuu sii socon doono ilaa 15-ka June marka masraxa lasoo saaro filimka weyn ee la wada sugaayo Race 3.

Fadlan hoos kaga bogo Parmanu – The Story Of Pokhran iyo mudo afar maalmood ganacsiga uu sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday wuuna ka gudbay cabsidii ahayd amuu Isniintiisa kowaad hoos u dhac weyn sameeyaa:

Jimco – 4.75 Crore

Sabti – 7.25 Crore

Axad – 8.25 Crore

Isniin – 4 Crore

Wadarta Guud – 24.25 Crore (Trade Figure)