Sugitaankii dheera waa dhamaaday, kooxda Filimka RRR ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xiliga la daawanaayo mashruucooda weyn waxayna sheegen in 8 Janaayo 2021 la daawan doono.

Barta Twitter-ka ayee arinkaan kaga shaaciyeen waxayna soo qoreen sida tan,”RRR waxaa tiyaatarada la saari doonaa 8 Janaayo 2021 waan ognahay in wax badan aad wada sugeyseen aqbaartan balse waa ballan hada wixii ka dambeya si joogto ah ayaan idiin kula wadageena wixii war kusaabsan Filimkaan.”

Mashruucan waxaa Director ka ah agaasimaha ugu quwada weyn koonfur India SS Rajamouli halka ay hogaamiyaal ka yihiin Ram Charan iyo Jr NTR waxaana xusid mudan inee doorar muhiim ah ku leeyihiin Ajay Devgn iyo Alia Bhatt waana Filim miisaaniyad waali ah xambaarsan.

It's official: SS Rajamouli's RRR starring Ram Charan-Jr. NTR to release on THIS date

Sheekada Filimka RRR waxay ku xeendaabantahay labo dagaalyahan oo lakala dhaho Alluri Seetharama iyo Kormaram Bheeram waana doorarka ay kala jili doonaan Ram Charan iyo Jr NTR inkastoo sheekada Filimka hab khiyaali loo dhigi doono hadana doorar ahaan waxay ka hadlayaan nolosha dhabta ah labo geesiyaal India usoo halgameen xiligii xornimadoonka.

Mudo 2-sano ayaana xog iyo macluumasd dheeri ah baadi goob loogu jiray si mashruuca sheekadiisa loogu kabo sido kalr 10 luuqadood ayaa lagu daawan doonaa Filimkaan waxaana xiiso leh 4-xidig waaweyn in halkaan Filim la isugu keenay oo kala ah Ram Charan, Jr NTR, Ajau Devgn iyo Alia Bhatt.

Duubista wey socoto xili Devgn kusoo biiray kooxdan oo duubista kawado keymaha duurka ah ee Vikrabad kuna taalo Hyderabad waxaan sugnaaba waa 8 Janaayo 2021 iyo mucjisada ay la imaan doonaan Superstar-dan aadka loo wada jecelyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here