Karan Johar ayaa agaasinka filimada dib ugu soo laabanayo mudo afar sano kadib madaama filimkii ugu dambeeyay uu Director ka noqday uu ahaa Ae Dil Hai Mushkil oo ay wada jileen Ranbir Kapoor, Aishwarya Rai Bachchan iyo Anushka Sharma haatana filim sameeyahan wuxuu agaasimi doonaa filimka weyn Takht.

Haddaba Karan Johar ayaa shaaca ka qaaday in filimka Takht la daawan doono 24 Dec 2021 ama Christmas 2021 waxayna filimkan duubistiisa bilaaban doontaa bisha Maarso ee isla sanadkan ayadoo la diyaariyay goobihii lagu duubi lahaa Mumbai meelo ka mid ah iyo socdaal qaarada Yurub lagu aadi doono.

Filimka Takht waxaa hogaamiyaal ka ah Ranveer Singh, Kareena Kapoor Khan, Alia Bhatt, Vicky Kaushal, Bhumi Pednekar, Janhvi Kapoor iyo Anil Kapoor waxaana isla maal galinayaan mashruucan miisaaniyada culus xambaarsan Yash Johar, Karan Johar & Apoorva Mehta.

Filimka Takht ayaa sheeko ahaan ku saabsan boqortooyadii Mugaal iyo xiligii uu hogaamin jiray boqor Shah Jaan oo uu matalaayo Anil Kapoor waxaana saldanada hogaaminta boqortooyada isku qabsanayaan labadiisa wiil gaar ahaan wiilkiisa curudka ah Dara Shikoh oo Ranveer Singh matalaayo iyo wiilkiisa da’da sedexaad ah Aurungzeb oo uu matalaayo Vicky Kaushal sidoo kalena Kareena Kapoor labadan wiil ayay la dhalatay oo door adag ayay ku leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here