Home » . » Rasmi: Kareena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor filimkooda Veere Di Wedding oo duubis lagu bilaabay maanta

Rasmi: Kareena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor filimkooda Veere Di Wedding oo duubis lagu bilaabay maanta

Filimka Veere Di Weeding waxaa lagu dhawaaqay hal sano ka hor in Kareeena Kapoor Khan iyo Sonam Kapoor laakiin hirgalintiisa dib u dhac badan ayaa ku yimid.

Kareena ayaa uur qaaday xiligii filimkaan laga hawl gali lahaa kadib mashruucaan meel ayaa la iska dhigay marka ay Bebo dhahay Taimur Ali Khan kadib xidigtaan diyaar garrow jir ahaan ayay gashay.

Maanta ayaa si rasmi ah filimka Veere Di Wedding duubistiisa kaga bilaabatay magaalada Delhi waana filim Kareena iyo Sonam kartidooda qaab jiliin kusoo bandhigi doonaan.

Kareena iyo Sonam ayaa mudo bil ah Delhi ku sugnaan doonaan madaama jadwalka kowaad filimkaan afar todobaad lagu soo idleyn doono.

Rhea Kapoor oo soo saaraha kowaad filimka Veere Di Wedding ah waxay tiri “Aadban ugu faraxsanahay in maanta duubista filimkeena Delhi ka bilaabato, waxaana duubista ka bilaabi doonaa dhacdo aroos ama meher siweyn loo agaasimay”

Filimka Veere Di Wedding waxaa Director ka ah Shashanka Ghosh halka uu sheekada Mehul Suri waxaana hogaamiyaal ka ah afar atirisho oo kala ah Kareena Kapoor Khan, Sonam Kapoor, Swara Bhaskar iyo Shikha Talsania qorshahana wuxuu yahay in la daawado xagaaga dambe 2018.