Director Om Raut wuxuu Bollywood-ka kusoo galay filimka Tanhaji ee Blockbuster-ka weyn noqday kaasi oo hogaamiye ka ahaa Superstar Ajay Devgn haatana wuxuu shaaca ka qaaday filimkiisa xiga waxaana hogaamiye ka noqon doono wiilka laga daba dhacay ee dhawaanahan mashaariic kala duwan gacanta ku dhigaayo ee lagu magacaabo Kartik Aaryan.

Director Om Raut filimkiisa xiga waa mashruuc Action ah oo si caalami ah loo sameenayo waxaana la sheegay Kartik Aaryan wajiga ama muqaal jaceyl iyo shactiro lagu bartay inuu meel iska dhigi doono sii uu u noqdo xidig dhanka Action sameynta kusoo biiro waxaana kalsooni laga qabaa in Kartik doorkaan dhibka badan kasoo bixi doono madaama jilinkisa dhan walbo wanaagsan yahay.

Filimkan aan magaca loo bixinin waxaa la sheegay in miisaaniyad culus xambaarsan yahay waxaana maal galineyso shirkada T Series sidoo kalena jilaayaasha kale Kartik Aaryan kala soo muuqan doonaan mashruucan dhawaan ayaa lagu dhawaaqi doonaa waxaana la sheegay in filimkan gudaha Hindiya iyo goobo kale oo caalami ah lagu duubi doono waxayna shaqadiisa bilaaban doontaa bisha August ee sanadkan.

Dhinaca kale Kartik Aaryan haatan wuxuu xayeysii balaaran u sameenayaa filimkiisa jaceylka ah Love Aaj Kal oo ay la jileyso Sara Ali Khan gabadha lagu xanto inuu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo waxaana la daawan doonaa Jimcadan nagu soo fool leh ama 14-ka bishan Febraayo waxaana filimkan Director ka ah Imtiaz Ali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here