Atooraha kusoo caan baxay filimkii RX100 ee Blockbuster-ka noqday Kartikeya wuxuu noqday mid siweyn u sal dhigtay fanka Telugu ama Tollywood loo yaqaano wuxuuna marwalbo la imaadaa aflaan xiiso badan haatana mashruuciisa xiga 90ML ayaa shaaca laga qaaday xiliga la daawan doono.

Filimka 90ML oo ah Action iyo xamaasad rabshad ku dheehan waxaa la daawan doonaa 5 December 2019 sidoo kalena kaartada ama aragtida kowaad ee idiin muuqato laga soo bandhigay filimkan siweyn ayaa looga helay.

Kartikeya filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Gang Leader ee uu laadar ka ahaa waxaana hogaamiye ka ahaa Nani wuxuuna doonayaa sanadka inuu kusoo qatimo filimkan 90ML uu hogaamiye ka yahay Action waali ahna kusoo bandhigi doono.

Filimka 90ML waxaa Kartikeya u sameeyeen isla kooxdii RX100 u sameeyeen sidaa darteed isku imaan shahooda Blockbuster weyn ayaa laga filan doonaa fadlan goos gooska kooban filimkan xiisaha badan laga soo bandhigay hoos ka daawo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here