Ugu dambeyntii filimka weyn ee qof walbo sugaayo KGF Chapter 2 ayaa shaaca laga qaaday waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono waxaana hogaamiyaal ka ah Rocking Star Yash, Sanjay Dutt iyo Raveena Tandon.

KGF Chapter waa filim Kannada ah balse lagu daawan doono Af Hindi, Tamil, Telugu iyo Malayalam waxaana toyaatarada gudaha Hindiy iyo daafaha caalamka laga daawan doonaa 16 July 2021.

Director Prashanth Neel ayaa sheegay in KGF 2 shaqadiisa soo idlaatay dhawaana goos goos kale oo kooban ayaa mashruucan laga soo bandhigi doonaa ayadoo 8 bishan Janaayo goos goos kooban laga soo bandhigay iskooro taariikhi ah sameeyay.

KGF Chapter 1 oo sanadii 2018 dabyaaqadiisii la daawaday wuxuu noqday Blockbuster taariikhi ah asigoo 250 Crore ganacsi ka badan soo xareeyay dibad iyo dal dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawaday waxaana hadda lagu kalsoon yahay qaybta labaad marla tiyaatarada la saaro in dibad iyo dal qabsan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here