Atirishada lagu magacaabo Kiara Advani waqti wacan ayay bartanka kaga jirtaa madaama sanadkii hore filimadeedii Kabir Singh iyo Good Newwz guulo lixaad leh gaareen sidoo kalena sanadkan waxaa usoo baxay filimka Laxmii oo ay Akshay Kumar la jishay isagana si Online ah ayaa loo daawaday.

Haatan waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday Kiara Advani filimkeeda xiga Indoo Ki Jawani in 11 December 2020 ama bisha dambe ee nagu soo fool leh si toos ah tiyaatarada looga daawan doono waxaana aqbaartan soo dhaweeyeen qolyaha tiyaatarada iska leh.

Filimka Indoo Ki Jawani Kiara waxaa kula jiraan Aditya Seal iyo Mallika Dua waxaana Director ka ah Abir Sengupta waxaana soo saarayaal ka ah Monisha Advani, Madhu Bhojwani, Nikkhil Advani, Bhushan Kumar, Divya Khosla Kumar, Krishan Kumar, Niranjan Iyengar iyo Ryan Stephen.

Filimkan shactirada iyo jaceylka isku jiro ah Kiara Advani waxay ku jileysaa gabbar reer Ghaziabad ah taasi oo dhib badan ugu dambeyntiina ku biireyso shukaansiga sida Online-ka ah ee xiligan dunida casriga ah laga adeegsado iyo caqabadaha ay la kulmeyso ayaa loo daawan doonaa filimkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here