Malaayiin dad ah ayaa sugayay go’aanka maxkamadda ugu sarreysa kiiska qarsoon ee Sushant Singh Rajput.

Ugu dambeyntiina, xukunku wuu baxay oo maxkamadda xukunka dalka waxay amartay in kiiska lagu wareejiyo CBI waxayna maxkamada waydiisatay booliska magaalada Mumbai inay ku wareejiso dhammaan dukumiintiyada baaritaanka hay’adda.

Rakesh Roshan oo wuxuu yiri, “waa go’aan qaadasho wanaagsan. Qoyska iyo taageerayaasha waxay rabaan inay ogaadaan runta runtuna waxay leedahay jidkeeda cidkalana ma ahan CBI Cid uga fiican majirto.”

SSR waxaa laga helay gurigiisa oo ku yaal Bandra bishii Juun 14 markii uu dhintay. Hadda, iyadoo kiiska loo gudbiyay CBI, taageerayaasha waxay rajeynayaan xukun caddaalad ah oo ku saabsan kiiskan.

Warbixinnada ayaa hore u sheegay in kooxda CBI gaar u ah oo baareysa dhowr kiis oo heer sare ah, oo uu ku jiro kan Vijay Mallya, ayaa u gudbi doonaan baaritaanka kiiska SSR. si xaqiiqda dilkaan qarsoon ciyow banaanka lookeeno maadaama mudo 2bilood ah laheli waayay cadeemo kufilan policeka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here