Marjaavan oo Sidharth Malhotra hogaamiye ka ahaa ayaa HIT deg deg ah ka noqday United Kingdom waana wadamada England, Scotland, Wales iyo Waqooyiga Ireland sifiican ayuu kaga gadmay suuqan yurub mashruucan.

Waxuu kudhowyahay cimri ahaantiisa inuu halkaas ka oeeno 300K lacagta England ah waxuuna kudhowaan doonaa ganacsiga Kabir Singh halkaas ka sameeyay ee ah 310K lacagta England.

Mashruucan waxuu halkaas ku garaacaya Filimada kala ah Chhichhore, Super 30, Bala iyo De De Pyaar De waxaana xusid mudan ganacsigiisa heerka sare ah ee halkaas inee ka caawiyeen labada hees ee kujiraan Filimka kuwaaso kala ah Tuh Hi Aana iyo Ek Toh Kum Zindagani oo iyaga HIT noqdeen xili hore.

United Kingdom waxaa Super Hit ka noqday Kalank halka Bharat, WAR, Gully Boy, Houseful 4 Total Dhamaal, Dream Girl iyo Marjaavan HIt ka noqdeen hoos kaga bogo Filimada lacagaha ugu badan sanadkaan United Kingdom kasoo xareyeen waana lacagaha halkaas.

1. Kalank – £982,000

2. Bharat – £914,000 

3. War  – £722,000

4. Gully Boy – £646,000

5. Housefull 4 – £618,000 (38 days)

6.  Total Dhmaal – £530,000

7. Mission Mangal – £454,000

8. Kesari – £355,000

9. Dream Girl – £318,000

10. Kabir Singh – £310,000

11. Marjaavaan – £300,000 ( Sida la filaayo ) £270,000 Waa lacagta hader uu maraayo mudp 17 maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here