RASMI; Mega Star Salman Khan oo 10 sano kadib Flopkii ugu horeeyay loo diiwaan galiyay iyo filimada Below Average noqdeen.

0
1415

Mega Star Salman Khan mudo 10 sano ah wax Flop looma diiwaan galinin asigoona Flopkiisii ugu dambeeyay uu ahaa filimka London Dreams kaasoo soo baxay oktobar 2009kii hase yeeshee sheekadaas waa soo dhamaatay kadib markii filimka Dabangg3 uu Flop noqday.

Shabakada BOI ayaa sidaan maanta horeva idiin sheegnay soo bandhigtay filimada Bollywoodka ee sanadkaan guuleysteen kuwaasoo ahaa 25 filim ayadoo 19 filim kamid ah Hit dhameystiran noqdeen.

Filimka Dabangg3 ayaa loo badinaayay inuu Below Average yahay hase yeeshee liiska ay BOI soo bandhigtay ee Below Average-ga noqdeen qeyb kama ahan Dabangg3 taasoo hubaal ka dhigeyso inuu Flop yahay maadaama liiska filimada 2019ka guuleysteena uusan ku jirin.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimada Below Average noqdeen iyo mid walba saamiga kooxda cajaladaha ka heleen;

Below Average

1-Student Of The Year (32 crore)

2-Marjaavan – (22 crore)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here