Home » Box Office » Rasmi: Mission Impossible-Fallout Iyo Talaadadiisa Kowaad Ganacsiga Uu India Ka Sameeyay!!

Rasmi: Mission Impossible-Fallout Iyo Talaadadiisa Kowaad Ganacsiga Uu India Ka Sameeyay!!

Filmka Hollywoodka ah Mission Impossible 6-Fallout ayaa iska wata ganacsigiisa wacan ee uu gudaha India ka sameenayo isagoo maalintiisa 5-aad keenay 4.75 Crore waxuuna hoos udhac sameeyay 5% marka lala bar bardhigo maalinti shalay ahed.

Wadarta guud mudo 5 maalmod ah haatan waxuu maraya 46 Crore ganacsigiisa gudaha India waxaana muuqata in todobaadkiisa kowaad uu keeni doono 54 ilaa 55 Crore ganacsi u dhaxeya.

Filmka lacagaha ugu badan India ka keenay ee Holllywoodka leeyihiin sanadkaan waa Avengers-Infinity War waxuuna cimri ahaantisa keenay 225 Crore halka filmka labaad uu yahay Jurrasic World-Fallen Kingdom kaaso keenay 85 Crore.

Shaki kuma jiro in Mission Impossible 6-Fallout noqon doono filmka sedexaad ee Hollywood ah kaasi oo sanadkaan ganacsiga ugu badan India ka keenay macquul ayee noqon lahed inuu Jurrasic dhaafo balse todobaadkiisa sedexaad hoos udhac ayuu sameen doona maadama Gold tiyaatarada la saarayo.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 5-maalmood Mission Impossible 6 – Fallout ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada BOI:

Jimco – 9.25 Crore

Sabti – 12.75 Crore

Axad – 14.25 Crore

Isniin – 5 Crore

Talaado-4.75 Crore

Wadarta Guud – 46 Crore (Trade Figure)