Muusigiistaha caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan Wajid Khan ayaa xanuunka Coronavirus u geeriyooday sida uu baraha bulshada shaca kaga qaaday heesaaga caanka ah Sonu Nigam oo marar kala duwan lasoo shaqeeyay Wajid Khan. Wuxuuna Sonu Nigam bartiisa Instagram-ka kusoo qoray “Walaalkeey Wajid wuu naga tagay!”

Wajid Khan wuxuu caan ku ahaa la shaqeynta walaalkiis Sajid Khan waxaana labadooda loogu yeeri jiray Sajid-Wajid aflaan walbo oo ay muusigada ka tumaan waxaana soo caan bixiyay Salman Khan madaama filimkoodii ugu horeeyay labadan walaalaha ah muusigada ka tumeen uu ahaa Pyar Kiya To Darna Kya sanadii 1998.

Sajid-Wajid waxaa aabo u ah Ustad Sharafat Ali Khan oo isagana heesaha muusig dhaqameedka leh qaadi jiray waxayna labadan walaalaha ah caan ku ahaayeen la shaqeynta Salman Khan ayagoo filimo badan muusigada Sallu u sameeyeen oo ay ka mid yihiin Hello BrotherTumko Na Bhool Paayenge (2002), Tere Naam (2003), Garv (2004), Mujhse Shaadi Karogi (2004), Partner (2007), Hello (2008), God Tussi Great Ho (2008), Wanted (2009), Main Aur Mrs Khanna, (2009), Veer (2010), Dabangg (2010) iyo kuwo kale oo aan Salman sameynin sida No Problem (2010) iyo aflaan kale.

Bollywood-ka xanuunka Coronavirus-ka saameyn ayuu ku yeeshay markii loo eego gabadha heesaaga ah Kanika Kapoor inuu ku dhacay iyo ruug cadaaga weyn ee jilaaga ah Kiran Kumar iyo kuwo kale balse dhamaantooda wey kasoo kabteen laakiin Wajid Khan ayuu xanuunkan geeridiisa sabab u noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here