Waxaa siweyn loo wada sugayaa labada aan kala dhicin ee door kasto sameyn karaan Naga Chaitanya & Sai Pallavi filimka ay ku midoobeen Love Story oo ah fariin jaceyl iyo arimaha qoyska ka hadleyso waana mashruuc kale oo ay reer Telugu doonayaan inay tiyaatarada ku qabsadaa isla sanadkan gudihiisa.

Sidaa darteed Director Sekhar Kammula filimkiisa Love Story oo ay hogaamiyaal ka yihiin Naga Chaitanya & Sai Pallavi waxaa tiyaatarada la saari doonaa 16 April 2021 waxaana soo saarayaal ama maal galiyayaal ka ah Narayan Das K Narang iyo Puskur Ram Mohan Rao.

Filimka Love Story wuxuu sheegay Naga Chaitanya in mashruucan taageerayaashiisa ka heli doonaan doorkiisa oo mid dagan uu yahay sidoo kalena farxad iyo murugo shaashada ku wada qeybsan doonaan Sai Pallavi oo xaaskiisa filimkan ku jileyso.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Love Story goos goos kooban (Teaser) oo laga soo bandhigay mar dhexdaas qof walbana ka helay iska fahanka shaashada ku muujinayaan Naga Chaitanya iyo Sai Pallavi:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here