Filimka Action-ka shactirada iyo qayaanada isku jiro Gang Leader oo ay shirkada Tollywood ama Telugu sameeyeen ayaa maalinta kowaad ganacsi wanaagsan sameeyay wuxuuna keenay 12.50 Crore ($1.75m) waa ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

Filimka Gang Leader oo hogaamiye ka yahay Natural Star Nani sidoo kalena laadar uu ka yahay Karthikeya atoorihii filimka RX100 ku caan baxay ayaa gudaha Hindiya maalinta kowaad ka keenay 9.50 Crore canshuurta ka hor halka lacagta nadiifka ah uu soo xareeyay 8 Crore sidoo kalena filimkan suuqyada caalamka wuxuu ka keenay 3 Crore.

Filimka Gang Leader kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 30 Crore sidaa darteed mashruucan marka 30 Crore dib usoo celiyo saami ahaan ayuu noqonayaa filim HIT ah waxaana laga rabaa Sabti iyo Axad inuu ganacsi ahaan sare u kac xoogan sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here