Natural Star Nani filimkiisa ugu dambeeyay Gang Leader waxaa tiyaatarada la saaray 13 Sep 2019 haatana gabi ahaanba ganacsigiisa wuu soo idlaaday waxayna shabakada Andhra Boxoffice India (ABO) si rasmi ah usoo daabacday mashruucan ganacsiga uu sameeyay iyo natiijadiisa.

Filimka Gang Leader waxaa Nani kula jiray atooraha Kartikeya oo laadar ka ahaa filimkan wuxuuna cimri ahaantiisa soo xareeyay 36.30 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna kooxda cajaladaha qeybiyaan saami ahaan ka heleen 20.93 Crore.

Filimka Gang Leader wuxuu noqday Flop sababtoo ah 30 Crore ayay kooxda cajaladaha qeybiyaan markii hore ku iibsadeen taasi oo ka dhigan in 69.80% dib usoo celiyay lacagtiisa waana filim guul dareestay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Gang Leader iyo suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay asigoo tiyaatarada isaga dagay waxaana soo daabacday shabakada Andhra Boxoffice (ABO):

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 24.60 Crore, saamiga laga helay 15.75 Crore.

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 6.80 Crore, saamiga laga helay 3.06 Crore.

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.80 Crore, saamiga laga helay 0.73 Crore.

Wadarta Guud ganacsigiis dibad & dal 36.30 Crore, saamiga guud laga helay dibad & dal 20.93 Crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here