Home » Box Office » Rasmi: Natural Star Nani iyo filimkiisa Krishnarjuna Yuddham ganacsigiisa uu sameeyay mudo 4-maalmood ah

Rasmi: Natural Star Nani iyo filimkiisa Krishnarjuna Yuddham ganacsigiisa uu sameeyay mudo 4-maalmood ah

Natural Star Nani waxaa tiyaatarada u saaray filimka Krishnarjuna Yuddham kaasi oo ay shabakada Andhara Boxoffice kasoo bandhigtay ganacsiga uu sameeyay mudo afar maalmood ah dibad iyo dal.

Filimka Krishnarjuna Yuddham ayaa keenay 23.80 Crore isku darkiisa gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka afarta maalmood ee ugu horeyso waxaana saami ahaan laga helay 13.30 Crore.

Filimka Krishnarjuna Yuddham kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 26 Crore taasi oo ka dhigan in 51% lacagihiisa soo celiyay balse waxaa fiicnayed afarta maalmood hore inuu ganacsi adag sameeyo.

Waayo filimka Krishnarjuna Yuddham hal todobaad oo kaliya ayuu heestaa madaama Jimcadaan Suldaan Mahesh Babu la wareegi doono halka Jimcada xigtana Allu Arjun imaan doono sidaa darteed Nani guulihiisa xariirka ah inay soo idlaan doonaan ayay u egtahay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Krishnarjuna Yuddham iyo mudo afar maalmood suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay sidaba shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 17.90 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 10.90 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 2.70 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.08 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 1.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 0.65 Crore

Wadarta Guud Lacagaha Laga Helay 23.80 Crore, Saamiga Guud Lacagaha Laga Helay 13.30 Crore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *