Power Star Pawan Kalyan filimkiisa 27-aad aqbaar xiiso badan ayaan idin kaga heynaa madaama atirisho kowaad looga dhigay gabadha beryahan fanka Telugu sida weyn kaga dhex muuqato Nidhhi Agerwal waxayna ku jirtaa waqti wacan tan iyo markii filimkeedii iSmart Shankar Blockbuster weyn noqday.

Pawan Kalyan filimkiisa 27-aad waxaa Director ka ah Krish waana filim weyn oo Action iyo fariin wadani ah isku jiro waxayna duubistiisa bilaaban doontaa dabyaaqada bisha sanadkan ama bisha December nagu soo fool leh inta lagu guda jiro ayadoo Nidhhi Agerwal durba bilaawday isku diyaarinta doorkeeda waxayna xidigtan ku faraxsan tahay in Pawan Kalyan ay shaashada la wadaagi doonto.

Pawan Kalyan mashquul xoogan ayuu barta kaga jiraa madaama 2-sano oo arimaha siyaasada ku mashquulsanaa waxaa hadda u diyaarsan filimka Vakeel Saab oo sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Pink ee Amitabh 2016 sameeyay HIT-ka weyn noqday, sidoo kale Pawan Kalyan marka laga soo tago filimkiisa 27-aad ee Nidhhi Agerwal la sameeneyo halyeegan filimo kale oo waa weyn ayuu saxiixday waxaana ka mid ah inu la shaqeyn doono filim sameeyayaasha laga dambeeyo sida Harish Shankar, Surender Reddy iyo kuwo kale.

Dhinaca kale Nidhhi Agerwal oo kusoo caan baxday filimkii Munna Michael oo ay la sameesay Tiger Shroff sanadii 2017 waxay sal dhigatay fanka Koonfur Hindiya haatana waxaa u diyaarsan labo filim Tami ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Bhoomi iyo Eeswaran oo inta sanadkan ka harsan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here