Rasmi: Nithin Filimkiisa Srinivasa Kalyanam lacagaha laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin iyo sida uu Hit/Flop ku noqon karo

Young Actor   Nithin  todabaadkaan  waxaa  tiyaatarada  loo  saari  doona  filimka  Srinivasa  Kalyanam  oo  hadal  heyn  weyn xambaarsan  lana  wado  atariishada  soo  shaac  baxday  ee  Raashi Khanna.

Nithin  oo  filimadiisa  ugu  danbeeyay  guul  daraysteen  wuxuu  u  baahan  yahay  soo  laabasho  waxaana  lagu  kalsoon  yahay in  filimkaan  uu kusoo laaban doono.

Haddaba  shabakada Andhara Boxoffice ayaa soo bandhigay filimka Tollywood-ka ah Srinavasa Kalyanam lacagaha laga helay ka hor inta aan tiyaatarada la saarin iyo sida uu Hit ama Flop ku noqon karo.

Srinivasa  Kalyanam  lacagaha  kooxda  cajaladaha  qeybiyaan  ku  iibsadeen  fadlan hoos kaga bogo:

Dhulweynaha Telugu AP/Nizam waxaa lagu iibsaday xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha 21.60 Crore

Gobolka Karnataka waxaa lagu iibsaday xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha 1.5 Crore

Hindiya inteeda kale waxaa lagu iibsaday xaquuqdiisa qeybinta cajaladaha 50 Lakh

Suuqyada caalamka waxaa lagu iibsaday xuquuqdiisa qeybinta cajaladaha 3.40 Crore

Xuquuqda Guud Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Waxay Ku Iibsadeen 27 Crore

Filimka Srinivasa  Kalyanam Iyo Sida Uu Flop Ama Hit Ku Noqon Karo Hoos Kaga Bogo.

Blockbuster wuxuu noqon karaa marka saami ahaan laga helo 40.50 Crore

Super Hit wuxuu noqon karaa marka saami ahaan laga helo 32 Crore ilaa 40,49 Crore

Hit wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 27 Crore ilaa 32.99 Crore

Above Average wuxuu ku noqon karaa marka saami ahaan laga helo 24.30 Crore ilaa 26.99 Crore

Average wuxuu noqon karaa marka saami ahaan laga helo 21.60 Crore ilaa 24.29 Crore

Flop wuxuu ku noqon karaa saami ahaan laga helo 18 Crore ilaa 21.59 Crore

Disaster wuxuu ku noqon karaa saami ahaan laga helo 18 Crore iyo ka yar.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*