Kichcha Sudeep iyo Suniel Shetty filimkooda Pailwaan ayaa maalinta labaad ganacsi ahaan is celiyay wuxuuna keenay 6.60 Crore ($929k) ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray waxayna ka dhigan tahay mudo labo maalmood ah in filimkan uu soo xareeyay 17.40 Crore ($2.44m).

Filimka Pailwaan ganacsiga ugu wanaagsan wuxuu ka sameenayaa gobolka Karnataka deegaanka mashruucan laga leeyahy asigoo kasoo xareeyay 11.80 Crore mudo labo maalmood ah. Balse mashruucan soo dhaweyn wanaagsan kama helin dhanka Waqooyiga Hindiya iyo qaybta Af Hindiga lagu daawanayo ee Badshaah Pehlwaan magacaas lagu daawanayo wuxuuna keenay maalintiisa kowaad 0.42 Crore.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Pailwaan suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay mudo labo maalmood ah ayadoo ku dhawaad 5-luqadood lagu daawanayo lacagta nadiifka ah:

Khamiis – 7.46 Crore (Af Kannada 6.66 Crore + Af Tamil 0.38 Crore + Af Telugu 0.42 Crore)

Jimco – 4.75 Crore (Af Kannada 3.90 Crore + Af Hindi 0.42 lakh + Af Tamil 0.17 Crore + Af Telugu 0.26 Crore)

Wadarta Guud – 12.21 Crore (Af Kannada 10.56 Crore + Af Hindi 0.42 Crore + Af Tamil 0.55 Crore + Af Telugu 0.68 Crore).

Markaana aan idinla wadaagno filimka Pailwaan iyo ganacsigiisa guud gudaha Hindiya canshuurta ka hor iyo suuqyada caalamka ganacsiga uu ka sameeyay labadiisa maalmood:

Lacagta gudaha Hindiya ka keenay wadarta guud canshuurta ka hor 14.40 Crore

Lacagta guud suuqyada caalamka uu ka keenay – 3 Crore

Wadarta Guud dibad iyo dal lacagaha uu keenay filimka Pailwaan – 17.40 Crore

Filimka Pailwaan shaqo xoog leh ayaa hortaalo waxaana laga rabaa Sabti iyo Axad inuu sare u kac xoogan sameeyo kadibna maal maha shaqada laga bilaabo Isniin ilaa Khamiis si adag isku celiyo madaama miisaaniyad 50 Crore uu xambaarsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here