Filimada Pal Pal Dil Ke Paas, Prassthanam iyo The Zoya Factor ayaa ganacis gaabis ah sameyeen maalintooda kowaad waana arin murugo ah marka loo eego ganacsigooda maalinta kowaad iyo inee aflaam cusub yihiin.

Sunny Deol waa ku guuldareestay in wiilkiisa uu wacdaro dhigo fagta hore daawadayaal badan maba helin filimka Pal Pal Dil Ke Paas waxaana qasab ah maanta iyo berri inuu sare ukac weyn sameeyo hadii kale fashil weyn ayaa dhici doono.

Filimka Prassthanam ee Sanjay Dutt iyo Jackie Shroff jilayaan ayaa asna bilaawasho hoose la yimid jimcadiisa kowaad waxuuba ku roon yahay tiyaatarada Single Screens-ka ah balse waa ka bur bursan yahay kuwa Multiplexes ee dadka reer magaalka usoo daawasho tagaan.

Dhanka kale The Zoya Factor waaba mashruuca ugu xun seddexdooda ganacsi ahaan wuuna ka hooseyaa labada filim ee kale Sonam Kapoor fsshil ayaa ku imaan doono filimkeeda hadii uusan maanta sare ukicin.

Pal Pal Dil Ke Paas maalintiisa kowaad waxuu keenay 1.1 crore ama 1.2 Crore (Trade Figure) inta u dhaxeysa.

Prassthanam maalintiisa kowaad waxuu keenay 75 lakh ilaa 80 Lakh (Trade Figure) inta udhaxeysa.

The Zoya Factor maalintiisa kowaad wuxuu keenay 65 Lakh ilaa 70 Lakh (Trade Figure) inta u dhaxeysa.

Waxaa la filaa mashaariicdan maalintooda kowaad daawadayaal fiican aan helin inee sare ukacaan maanta iyo berri ganacsi ahaan oo daawadayaal fiican helaan.

2 COMMENTS

  1. Sxb zaki marka hore mahad sanid howsha aad heeso lkn sxb filimadii kuwaan kahoreyay waxaad noosheegi jirtay sida cadadaa filimka sheekadiisa iyo waxa lagu qiimeyay sheeko ahaan lkn kuwaan waxba kama adan soqorin maxaa u sababa hadadan ayaga dhan sowada qoreen kaliya waxaa nosheegtaa shekada filimka karan deol thanks

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here