Home » Box Office » Rasmi: Pawan Kalyan filimkiisa Agnyaathavaasi oo tiyaatarada ka dagay waa filimka sedexaad ee ugu qasaaraha badan Hindiya sameeyaan!

Rasmi: Pawan Kalyan filimkiisa Agnyaathavaasi oo tiyaatarada ka dagay waa filimka sedexaad ee ugu qasaaraha badan Hindiya sameeyaan!

Power Star Pawan Kalyan jab taariikhi ah ayaa ku dhacay madaama filimkiisii weynaa Agnyaathavaasi  uu noqday Double Disaster sidoo kalena waa filimka sedexaad ee qasaarada ugu badan ebid Hindiya kala kulmaan!

Filimka Agnyaathavaasi  waxaa tiyaatarada la saaray 10 Jan 2018 ayadoo rajo weyn laga qabay maalinta kowaad iskooro badan ayuu soo kordhiyay balse wixii ka dambeeyay bur bur taariikhi ah ayaa ku dhacay.

Filimka Agnyaathavaasi  oo si rasmi ah tiyaatarada kaga dagay wuxuu cimri ahaantiisa keenay 94.60 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Filimka Agnyaathavaasi  saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 57.50 Crore balse qasaaro lixaad ayay la kulmeen madaama ay ku iibsadeen 125 Crore taasi oo ka dhigan inay ka luntay 67.50 Crore sdoo kalena 47% ayuu dib usoo celiyay lacagaha lagu iibsaday.

Filimka Agnyaathavaasi  qasaaro ahaan waa midka sedexaad ee taarikhda fanka ugu qasaaro badan waxaana ka qasaaro badan kaliya filimada bur burka taariikhiga ku dhacay ee Bombay Velvet (Hindi) iyo SPYder (Telugu).

Fadlan hoos kaga bogo filimka Agnyaathavaasi cimri ahaantiisa ganacsiga uu ka sameeyay suuq walbo ee soo daabacday Andhra Boxoffice fadlan hoos kaga bogo:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 63.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 40.90 Crore

USA wuxuu ka keenay 13.10 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 7.20 Crore

Gobolka Karnataka 10.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 6.35 Crore

Hindiya inteeda kale lacagaha uu ka keenay 3 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.15 Crore

Dunida inteeda kale lacagaha uu ka keenay 4.20 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 1.90 Crore

Wadarta Guud Isku Darka Gudaha Hindiya Iyo Daafaha Caalamka Lacagaha Uu Keenay, 94.60 Crore, Saamiga Guud Ee Laga Helay Cimri ahaantiisa 57.50 Crore.