Aqristayaasha qiimaha badan waxaan horey idin kula wadaagnay in Megastar Salman Khan uu sameenayo filim weyn oo lagu magacaabo Kabhi Eid Kabhi Diwali lana daawan doono Eid 2020 waxaana Director ka ah Farhad Samji halka Sajid Nadiadwala uu soo saare ka yahay. Sidoo kalena waxaan idinla wadaagnay in sedexda atirisho ee kala ah Kriti Sanon, Pooja Hedge iyo Jacqueline Fernandez midkood atirisho kowaad looga dhigo.

Haddaba maanta waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday atirishada Pooja Hedge inay calfatay filimka Kabhi Eid Kabhi Diwali sidoo kalena Salman Khan lamaantiisa ku matali doonto waxaana arinkan xaqiijiyay Sajid Nadiadwala oo soo saare ka ah filimkan wuxuuan yiri “Kadib markii Pooja ay nagala shaqeesay Housefull 4, waxaan dareenay inay ku haboon tahay doorka atirishada kowaad filimkeena xiga Kabhi Eid Kabhi Diwali inay qaadato, sidoo kalena bandhigeeda shaashada waa heer sare waxayna noqon doonaa arin xiiso badan in iyada iyo Salman shaashada markii ugu horeesay kasoo wada muuqdaan waana hubaal in sheekada filimkan labadan isku imaatinkooda xiiso usii yeeli doonto.”

Pooja Hedge waxay ku jirtaa waqti dahabi ah madaama filimkeedii Housefull 4 Super Hit noqday sidoo kalena filimkeeda Telugu ah Ala Vaikunthapurramuloo oo ay la sameesay Stylish Star Allu Arjun bilawgii sanadkan uu All Time Blockbuster noqday sidoo kale xidigtaan aflaan kala duwan ayay soo wadaa sida filimka Jaan oo ay Prabhas la jileyso iyo mashaariic kale oo Bollywood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here