Waxaa si rasmi ah muuqaal ama goos goos kooban (Teaser) looga soo bandhigay filimka weyn Radhe Shyam ee hogaamiye ka yahay Superstar Prabhas madaama maanta ay ku beegan tahay maalinta jaceylka aduunka sababtaas awgeed ayaa filimkan jaceylka ah goos gooskan kooban looga soo bandhigay sidoo kalena shaaca looga qaaday xiliga la daawan doono.

Prabhas dhanka jaceylka sida uu ugu soo baxaayo ayaa lagu muujiyay goos gooska kooban sidoo kalena atirishada quruxda badan Pooja Hedge ayaa muuqaalkan kala soo muuqatay waxaana filimka Radhe Shyam lagu dhawaaqay in la daawan doono 30 July 2021 ama xagaaga sanadkan ayadoo filimkan luqadaha Hindi, Telugu, Tamil, Malayalam iyo Kannada lagu daawan doono.

Goos gooskan kooban oo 53-daqiiqo soconaayo ayaa loo yeelay muusig gadaal oo aad kuu soo jiidanayo (Background) sidoo kalena muuqaalkan waa mid u gaar ah boosteejo tareen oo Prabhas joogo lamaantiisa Pooja dadka ka dhex wacaayo xili Superstar deganaan iyo soo jiidasho gaar ah ka muuqato waxayna taageerayaashiisa ka heleen wajiga degan ee Prabhas shaashada lasoo galay madaama markaan fariin jaceyl doortay.

Dhamaadka muuqaalkan qof walbo wuxuu ka helay jawaabta uu Prabhas siinayo Pooja marka ay dhahdo ma waxaad isku maleysaa sida Romeo oo kale jaceylkeena dartiisa inaad u dhimaneysid isagana wuxuu ku jawaabaa ma ihi nooca jaceyl dartiis u dhimanayaan ee jaceylkeyga isma weyn doono. Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban filimka Radhe Shyam laga soo bandhigay waxaana Director ka ah Radha Krishna Kumar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here