RASMI: Prince Harry oo alkuntay atariishada u dhalatay Mareykanka Meghan Markle & Xilliga uu arooskoodu dhacayo!

Ugu dambeyn, Aqalka Kensington Royal ayaa xaqiijiyey inuu Prince Harry alkuntay atariishada garoobka ah ee u dhalatay Mareykanka Meghan Markle, iyadoo bayaan rasmi ah lasoo saaray.

Wararka xanta ah ee la xiriira alkunka Prince Harry iyo Meghan Markle ayaa baraha bulshada heystay tan iyo markii ay labadoodu si wadajir ah uga soo muuqdeen bandhiggii Invictus Games, iyagoo gacmaha isheysta.

Bayaan rasmi ah oo uu soo saaray Boqorka Wales ee Prince Charles ayaa waxaa lagu sheegay inay haatan labadoodu is-alkunteen isla markaana sannadka soo aadan 2018ka isguursan doonaan.

Thomas Markle iyo Doria Ragland oo ah waalidiinta dhalay Meghan ayaana ku farxay tallaabada ay qaaday gabadhoodu.

Prince Harry wuxuu heystaa dhaqaale lagu qiyaasay 40 milyan oo dollars, waana wiilka ugu yar ee uu dhalay Boqorka Wales, halka atariishada u dhalatay Mareykanka Meghan Markle hantideeda lagu qiyaaso 5 milyan oo dollars.

2 Comments

Comments are closed.