Rasmi: Priyanka Chopra oo Salman Khan la sameeneyso filimka Bharat

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyay in atirishada caanka ah Priyanka Chopra la sameyn doonto Mega Star Salman Khan filimka Bharat.

Bharat ayaa noqday mashruuca PC iyo Sallu mideeyo 10-sano kadib waxaana ka shaqeeyay Director Ali Abas Zafar oo filimka Bharat Director ka ah.

Priyanka Chopra waxay tiri “Waxaan u hanqal taagayaa inaan bilaabo duubista filimka Bharat iyo la shaqeynta Salman Khan oo mudo iigu dambeesay. Wax badan ayaan horey kaga bartay iyaga (Salman & Ali) haddana waan ku faraxsanahay inaan dib ula shaqeeyo”

“Sidoo kale waxaan u hanqal taagayaa la shaqeynta soo saarayaasha Bharat waa Alvira iyo Atul oo siweyn mashruucaan iigu soo dhaweeyeen iyo dhamaan kooxda Bharat”

“Dhamaan taageerayaasheyda iyo kuwa waxa fiican ii rajeenayeen sidoo kalena ii dul qaateen haatan aqbaar ka wanaagsan oo aan idiin haayo ma jirto madaama aan Bharat wax ka jilaayo, waad ku mahad santihiin taageeridiina joogtaa ah”

Director Ali Abas Zafar oo horey Priyanka ugu sameeyay filimkii Gunday wuxuu yiri “Bharat waa filimka ay Priyanka Bollywood-ka dib ugu soo laabaneyso kadib markii ay Hollywood-ka ka noqotay xidig caalami ah”

Filimka Bharat waxaa la daawan doonaa Eid 2019 waxaana sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Korean-ka ah An Ode to my Father wuxuuna Salman filimkaan ku jilayaa 20-jir ilaa 70-jir noloshiisa looga sheekeen doono.

Fadlan hoos ka eeg aragti aan dhameestirneyn oo uu Director Ali Abas Zafar kasoo bandhigay filimka Bharat oo Salman Khan u gaar ah xili filimkaan shaqadiisa dhawaan bilaaban doonto.