Rasmi: Race 3 iyo mudo 10-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay

Filimka weyn Race 3 ayaa ganacsi gaabis ah sameeyay todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ee ugu horeyso wuxuuna keenay 16 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan inuu 84% hoos u dhac sameeyay marka lala bar bar dhigo ganacsigii uu sameeyay sedexdiisa maalmood ee ugu horeesay todobaadkiisa kowaad.

Race 3 haatan mudo 10-maalmood ah wuxuu soo xareeyay 155 Crore (Trade Figure) waana lacago wacan balse mashruucaan sida uu u weyn yahay iyo heerka laga filaayay marka loo fiiriyo waa ganacsi gaabis weyn ka muuqdo.

Race 3 Koonfurta Hindiya ganacsi ahaan aad ayuu ugu liitaa sidoo kalena Mumbai gaabis ayuu ka sameenayaa mana gaari doono 50 Crore ganacsi ahaan inuu Mumbai ka sameeyo.

Fadlan hoos kaga bogo Race 3 mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday oo aan kasoo xiganay:

Todobaadka kowaad – 139.97 Crore

Jimco labaad – 3.75 Crore

Sabti labaad – 5.50 Crore

Axad labaad – 7 Crore

Todobaadka labaad – 16.25 Crore (mudo 3-maalmood ah)

Wadarta Guud – 155.22 Crore (Trade Figure)

Race 3 ganacsigiisa cimri ahaan 170 Crore inuu gaaro ayaa ku adkaan doonto madaama Jimcadaan tiyaatarada la wareegi doono filimka weyn Sanju ee Ranbir Kapoor hogaamiye ka yahay kaasi oo hadal heyntiisa cirka mareyso.