Home » Box Office » Rasmi: Race 3 iyo Talaadadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: Race 3 iyo Talaadadiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Filimka Race 3 ayaa ganacsi dhex dhexaad ah sameenayo maal maha shaqada wuxuuna keenay 2.25 Crore (Trade Figure) sidoo kalena wadarta guud ganacsiga filimkan wuxuu haatan marayaa 161 Crore (Trade Figure).

Race 3 wuxuu noqday filimka labaad ee sanadkan lacagaha ugu badan soo xareeyo asigoo Baaghi 2 dhaafay balse waxay ahayd inuu todobaadka kowaad ganacsigaas sameeyo laakiin uma suura galin madaama fariintiisa diidmo xoogan la kulantay.

Sida muuqato Race 3 todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 25 Crore asigoo ku ganacsi noqon doono filimka Raid todobaadkiisa labaad, waxaana ka lacag badnaan doonaan todobaadka labaad afar filim ganacsiga ay sameeyeen sanadkaan kuwaas oo kala ah Padmaavat (66.53 Crore), Raazi(34.67 Crore), Baaghi 2 (32.73 Crore) iyo Sonu Ki Tito Ki Sweety (27.79 Crore).

Fadlan hoos kaga bogo filimka Race 3 iyo mudo 12-maalmood ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 139.97 Crore

Jimco labaad – 3.75 Crore

Sabti labaad – 5.50 Crore

Axad labaad – 7 Crore

Isniin labaad – 2.75 Crore

Talaado labaad – 2.25 Crore

Todobaadka labaad – 21 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 161.02 Crore (Trade Figure)