Rasmi Race 3 Oo Kaarto 4aad Laga Soo Bandhigay Waa Daisy Shah Iyo Doorkeda Sanjana!

Xamaasada iyo jaceylka loo qabo filmka Race 3 waa mid marwalba sii kordheysa maadama si isdaba joog ah loo soo bandhigo kaartooyinka cusub ama aragtiyo kala duwan.

Waxaa lasoo bandhigay kaartadii afaraad ee filmkaan ahna aragtida kowaad ee atirishada Daisy Shah taaso filmkaan ku jileyso doorka Sanjana dagaal yahana ah.

Salma Khan ayaa saaka subaxi hore baraha bulshada soo dhex dhigay aragtidan cusub isago soo raaciyay,”Sizzling Sanjana waiting to explode” isagoo ula jeedo in doorka Daisy Shah ee Sanjana yahay mid shidan hadana ay tahay gabar dagaal yahan ah waxuuna ku qeexay inee diyaar u tahay dagaal sido kale doorkeda waa door soo jidasho leh.

Shaki kuma jiro Daisy inee sheekada filmka qeyb weyn ka qaadan doonto waxaana la sugi la’yahay daawashaa mashruucan xiisa leh ayado la daawan doono 15 bisha June waxaa kaloo doorar muhiim ah kuleh Bobby Deol, Anil Kapoor iyo Jacqueline Fernandez halka Salman hogaamiye ka yahay.