Rasmi: Ram Charan filimkiisa Rangasthalam mudo 17-maalmood ganacsiga uu sameeyay Baahubali kaliya ayaa ka lacag badan

Mega Power Star Ram Charan filimkiisa Rangasthalam  ayaa iskooro badan gadaal iska marinaayo haatana wuxuu noqday filimka sedexaad ee Telugu ah kaasi oo lacagaha ugu badan soo xareeyo dibad iyo dal.

Rangasthalam kaliya waxaa ka lacag badan Baahubali labadiisa qeybood asigoo haatan ka talaabsaday filimkii Khaidi No 150 ee Ram aabihiis Chiranjeevi sameeyay.

Mudo 17-maalmood ah filimka Rangasthalam  wuxuu keenay 172.40 Crore isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka waxaana saami ahaan laga helay 106.07 Crore

Filimka Rangasthalam  kooxda cajaladaha qebiyaan waxay ku iibsadeen 80 Crore taasi oo ka dhigan in 26.27 Crore faa’iido nadiif ah laga helay waana Super Hit oo darajada Blockbuster kusii socdo.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Rangasthalam  iyo suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay mudo 17-maalmood ah sida shabakada Andhara Boxoffice soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 119.40 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 78.07 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 22 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 13.20 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 15.50 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 7.70 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 13 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 7.10 Crore

Wadarta Guud dibad iyo dal 172.40 Crore, Saamiga guud laga helay 106.07 Crore

2 Comments

Comments are closed.