Home » Box Office » Rasmi: Ram Charan filimkiisa Rangasthalam oo tiyaatarada ka dagay waa Blockbuster weyn!

Rasmi: Ram Charan filimkiisa Rangasthalam oo tiyaatarada ka dagay waa Blockbuster weyn!

Mega Power Star Ram Charan ayay Koonfur Hindiya u xureesan tahay madaama filimkiisa Rangasthalam uu tiyaatarada ka dagay wuxuuna noqday Blockbuster weyn.

Ram Charan wuxuu gaaray guul taariikhi ah weliba filimkiisa waa midka sedexaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo ebid Tollywood sameeyaan kaliya Baahubali labadiisa qeybood ayaa ka lacag badan.

Ram Charan wuxuu helay Hit dhameestiran ayadoo sanadkaan Hit heli waayeen Big Stars-ka isaga la tartamaan sida Mahesh Babu oo filimkiisii Bharat Ane Nenu Above Average noqday halka Allu Arjun filimkiisii Naa Peru Suriya u Flop noqday.

Filimka Rangasthalam wuxuu keenay cimri ahaantiisa 216 Crore isku darka ganacsigiisa dibad iyo dal sidoo kalena saami ahaan kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 123.60 Crore.

Filimka Rangasthalam kooxda cajaladaha qeybiyaan markii hore waxay ku iibsadeen 80 Crore taasi oo ka dhigan in 154.5% lacagihii lagu qarash gareeyay soo celiyay sidoo kalena faa’iido labo laab ka badana laga helay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Rangasthalam suuq walbo lacagaha uu ka keenay asigoo tiyaatarada ka dagay sida shabakada Andhra Boxoffice soo daabacday:

Dhul weynaha Telugu AP/Nizam wuxuu ka keenay 156 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 92.25 Crore

USA Boxoffice wuxuu ka keenay 23.20 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 13.92 Crore

Gobolka Karnataka wuxuu ka keenay 18.80 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 9.28 Crore

Dunida inteeda kale wuxuu ka keenay 18 Crore, saami ahaana waxaa laga helay 8.15 Crore

Wadarta Guud dibad iyo dal 216 Crore, Saamiga guud laga helay 123.60 Crore

Shabakada Filimside waxay leedahay hambalyo Mega Power Star Ram Charan Oo 2018 Telugu U Xureesan Tahay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *