Waxaan wada ogeyn in xidiga Koonfur Hindiya caan ka ah sidoo kalena Bollywood-ka kasoo muuqdo Rana Daggubati inuu sameeyay filim weyn oo lagu magacaabo Haathi Mere Saathi balse dhawaanahan mashruucan wax aqbaar ah lagama helin.

Ugu dambeyntii waxaa shaaca laga qaada in filimka weyn Haathi Mere Saathi la daawan doono 2 April 2020 waxaana lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil & Telugu waxaana xusid mudan in filimkan shirkada Eros maal galineyso sidoo kalena dhawaan laga soo bandhigi doono goos goos kooban.

Rana Daggubati ayaa filimka Haathi Mere Saathi ku matali doono nin saaxiib la eh xeywaanaadka gaar ahaan maroodiyaasha saaxiib la ah waxaana qayb Af Hindiga lagu daawanayo kula jiro Pulkit Samrat halka qaybta Af Telugu lagu daawanayo uu la jilaayo Vishnu Vishal waxaana filimka Director ka ah Prabu Solomon.

Rana Daggubati ayaa tababar adag qaatay filimkan ka hor inta uusan duubis ku bilaabin madaama ficilo halis ah kusoo bandhigi doono filimkan waana mid ka mid ah aflaanta ugu weyn ee sanadkan 2020 la sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here