Waxaan dhawaan idinla wadaagnay atooraha reer Telugu Rana Daggubati ee ku caan baxay filimka Bahubali labadiisa qeybood inuu nolosha isbaakulonimada ama cidlada uu ka baxay kadib markii uu faraanti u galiyay jaceylkiisa Miheeka Bajaj sidoo kalena inta badan jilaayaasha fanka Hindiya hambalyo ku aadan arinkaan u direen.

Rana waxaa la islahaa marka Hindiya xaalada bandowga ah ka baxdo ayuu aqal gali doonaa ama dabyaaqada sanadkan balse guri jooga ayuu ka faa’iideestay wuxuuna haatan si rasmi ah ula aqal galay lamaantiisa reer Hyderabad isla yihiin Miheeka Bajaj waxayna qabsadeen baraha bulshada ayagoo sawiro kala duwan soo dhigeen kadibna guurkooda loogu hambalyeeyay.

Rana Daggubati ayaa sawirada uu baraha bulshada soo dhigay soo raacsiiyay qoraalkan kooban “Waa rasmi” oo uu ula jeedo in si rasmi ah isaga iyo jaceylkiisa Miheeka Bajaj u wada aqal galeen waxayna labadan soo xirteen dharka labiska dhaqanka ah ee xiliga guurka soo xirtaan reer Telugu.

Miheeka Bajaj waa gabbar ku dhalatay kuna soo bar baartay magaalada Hyderabad balse wax barasheeda heerka sare dhanka jaamacada kusoo qaadatay magaalooyinka Mumbai iyo London waxayna ku xeel dheer tahay dhanka naqshadeynta guryaha iyo xafladaha caalamiga ah sidaa darteed sanadii 2017 waxay furatay shirkada ay haatan maamusho Dew Drop Design Studio oo qaabilsan diyaarinta xafladaha iyo barnaamijka waa weyn naqshadeyntooda. Waxayna gabadhan barteeda Instagram-ka kusoo qortay “Waa bilaaw aan rajeenayo inuu waligiis waaro” Waxay ula jeedaa aqal galkeeda Rana inuu noqdo mid waaro.

Dhinaca kale Rana aabihiis Suresh Babu ayaa sheegay in xiliga jiilaalga ay dhigi doonaan xaflad weyn oo dhamaan jilaayaasha reer Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka lagu casuumi doono madaama haatan Hindiya bandow ku jirto xafladan xiliga nolosha caadi kusoo laabato ayaa la qaban doonaa waxayna ka dhici doontaa magaalada Hyderabad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here