Superstar Rishi Kapoor wuxuu geeriyooday Khamiistii aan kasoo gudubnay ama 30-kii April 2020 xili xanuunka kansarka haayay labadii sano ugu dambeesay. Waxaana maal mihii ugu dambeesay ciwaanada Hindiya heestay geeridii Rishi ku timid oo siyaabo kala duwan looga hadlay.

Haatana waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay halyee Rishi Kapoor oo dambaskiisa biyaha la raacsiiyay waxaana waajibkan gutay wiilkiisa Ranbir Kapoor ayadoo Rishi dambaskiisa la raacsiiyay biyaha ku jiraan barta loo yaqaan Banganga oo ah bar biyo galeen ah oo mandarka ugu weyn Mumbai ku agtaalo inta badana la raacsiiyo biyaheeda dambaska dadka Hinduuga ah ee la gubo markii ay geeriyoodaan kadib.

Goobta waxaa ku sugnaayeen markii Rishi Kapoor dambastiisa la raacsiinayay Ranbir Kapoor, Riddhima Kapoor, Alia Bhatt iyo Director Ayan Mukerj qof walbana waxaa qasab ku ahayd inuu Mask soo xirto ama sanka iyo afka soo xirto madaama Hindiya haatan badow ka jiro sidoo kalena dagaal lagula jiro Coronavirus-ka waana la diiday dad badan inay goobta imaadaan.

Riddhima Kapoor oo ah gabadha uu Rishi Kapoor dhalay ayaa Mumbai soo gaartay xili ay wadada kusoo safartay waxayna ka timid magaalada Delhi ayadoo ogolaansho ka heshay dowlada Hindiya si ay kaga qayb qaadato ducadii aabaheed loo sameeyay shalay oo Axad ahayd kadibna maanta oo Isniin ah dambaskiisa waxaa la raacsiiyay biyaha.

Fadlan muuqaalka hoose ka daawo markii Rishi Kapoor dambaskiisa biyaha la raacsiinayay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here