Prabhas Filimkiisa Saaho qeybtiisa af hindiga ayaa ganacsi gaabis ah sameeyay seddexda maalmood ugu horeysa qeybta af hindiga lagu daawaday gudaha India waxuuna keenay lacago gaarayaan 14.25 Crore.

Wadarta guud ganacsigiisa qeybta af hindiga waxuu marayaa 129.25 Crore oo uu kusoo xareeyay mudo 10 maalmood ah taasi oo kadhigan in 80% hois udhacay todobaadkiisa labaad seddexda maalmood ugu horeeysay ganacsiga uu sameeyay.

Tiyaatarada waaweyn hoos udhac waa ka sameeyay filimkaan balse shaqadiisa todobaadka kowaad uu qabsaday waana Hit dhameestiran qeybta af hindiga cimri ahaantiisa 140 ilaa 145 Crore ayuu gaari doonaa qeybta af hindiga.

Balse saamiga kooxda cajaladaha qeybiyaan kahelo doonaan ayaa la filaa in uu ka bato saamiga laga helay Kesari iyo Total Dhamaal iyo waliba tirada dadka daawadeen oo Saaho badnaan doono xitaa waxaa macquul ah in la dhaafo Mission Mangal, Kabir Singh, Uri iyo Bharat oo dhamaantood Bollywood ah sanadkaana la daawaday balse Saaho qeybta af hindiga lagu daawaday kaliya ayuu kula tartami doonaa mashaariicdan.

Fadlan hoos kaga bogo ganacsiga Saaho sameeyay guud ahaan qeybta af hindiga soona daabacday shabakada BOI:

Jimco: 25.25 Crore

Sabti: 24.50 Crore

Axad: 29.25 Crore

Isniin: 13.75 Crore

Talaado 9 Crore

Arbaco: 6.75 Crore

Khamiis: 6.50 Crore

Todobaadka Kowaad 115 Crore

Jimco Labaad: 3.50 Crore

Sabti: 4.50 Crore

Axad: 6.25 Crore

Todobaadka Labaad: 14.25 Crore (3 maalmood)

Wadarta Guud: 129.25 Crore (Trade Figure)

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here