Home » . » Rasmi: Salman Khan Filimkiisa Bajrangi Bhaijaan Oo China Laga Daawan Doono Iyo Magac Layaab Leh Oo Loo Bixiyay

Rasmi: Salman Khan Filimkiisa Bajrangi Bhaijaan Oo China Laga Daawan Doono Iyo Magac Layaab Leh Oo Loo Bixiyay

Mega Star Salman Khan taageerayaashiisa war farxad leh ayaan u heynaa maanta maadaama la xaqiijiyay in filimkiisa Bajrangi Bhaijaan laga daawan doono gudaha China.

Waxaa la xaqiijiyay in Bajrangi Bhaijaan magac ahaan China looga daawan doono Little Lolita Monkey God Uncle! sidoo kale waxaa la sheegay in kuwa filimada ka faloodaan ee dalka China filimkaan qiimeyn wanaagsan siiyaan laakiin lama shaacin xiliga la daawan doona sida la sheegaayo goor dhow ayaa dalkaas laga daawan doona.

Laakiin dadka ku nool gudaha Hindiya ayaa ka helin magac loo bixiyay Little Lolita Monkey God Uncle! maadaam af hindigiisa magac qurux badan xambaarsanaa sidee sheegeen.

Filimada Bollywood-ka haatan waxay suuq weyn ka dhigteen China maadaama filimka Dangal iskooro waali ka dhigay bilawga sanadkaan waxaana haatan indhaha lagu wada heyn doona filimka Bajrangi Bhaijaan.

Bajrangi Bhaijaan waa filim Hindiya iyo daafaha caalamka All Time Blockbuster ka noqday waxaana hogaamiye ka ahaa Salman Khan, Kareena Kapoor, Nawazuddin Siddiqui, iyo Harshaali Malhotra.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *