Megastar Salman Khan ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay duubista filimka Antim ee hogaamiye ka yahay seedigiis Aayush Sharma wuxuuna Sallu shaqada filimkan ka bilaabay istuudiyaha Film City ee Mumbai ku yaalo wuxuuna shaqadiisa wadi doonaa inta bishan ka harsan ilaa horaanta sanadka cusub.

Filimka Antim Salman Khan wuxuu ku jilaa askari reer Punjab duubka Siinga Siingaha xiran doono loona xil saarayo inuu gacanta kusoo dhigo Aayush Sharma oo gaangester ku jilaayo filimkan xiisaha badan waxaana Director Mahesh Manjrekar sidoo kalena mashruucan bishii hore ayay duubistiisa magaalada Pune ka bilaabatay.

Sidoo kale atooraha awooda badan Nikitin Dheer ayaa filimka Antim lagu soo daray isagana burcad awood badan ayuu mashruucan ku jilaa waxaana la sheegay 20-ka maalmood nagu soo fool leh in kooxda Antim oo Sallu hogaaminaayo inay shaqada mashruucan habeen iyo maalin qaban doonaan madaama jadwalkan la doonayo si deg deg ah loo soo idleeyo sababtoo ah Sallu wuxuu isku diyaarn doonaa sameynta filimkiisa Tiger 3.

Filimka Antim waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil, Telugu, Malayam iyo Kannada sidoo kalena xagaaga nagu soo fool leh sanadka dambe ayaa la daawan doonaa wuxuuna qof walbo sugi weesan yahay inuu shaashada ku daawado Salman iyo seedigiis Aayush Sharma oo wada dagaalamayo madaama ay liddii isku yihiin filimkan xiisaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here