Shabakada Ormax Media ayaa soo saartay liiskii udambeeyay ee atiriishooyinka sidee ukala caansanyihiin una kala awood badan yihiin waqtigaan waxuuna liiskan ku xeen daaban yahay bishii May ee aan soo dhaafnay taasi waxay ka dhigantahay dhowr bil kadib in liiska isbedelaayo kaalmaha atiriishooyinka kujiraana isbedel kudhacaayo.

10-Atiriisho waxaa hogaanka uheyso atiriishada awooda badan Samantha Akkineni waxayna noqotay atiriishada kowaad ee Telugu Industry waqtigaan la joogo ayadoo ku garaacday kaalintaas atiriishooyin waaweyn sida Kajal Aggarwal iyo Anushka Shetty.

Samantha goordhow ayaa la filaa inee Bollywood kusoo biirto waliba filimkeeda kowaad qaab online ayaa loo daawan doonaa sida qorshaha ah halka filimkeeda xiga ee koonfur ah tiyaatarada laga daawan doono waana mashruuca The Family Man 2 bisha October ayaana la sugaa.

Samantha waxay udhaxdaa jilaaga caanka ah Naga Chaitanya halka aabihiis Nagarjuna yahay waana qoys magac weyn kuleh fanka koofur hindiya hadaba hoos kaga bogo 10-Atiriisho ugu fiican Telugu waqtigaan iyo sidee ukala horeyaan:

1-Samantha Akkineni

2-Kajal Aggarwal

3-Anushka Shetty

4-Rakul Preet Singh

5-Rashmika Mannanda

6-Tamannah Bhatia

7-Pooja Hegde

8-Keerthy Suresh

9-Nayanthara

10-Rashi Khanna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here