Home » Box Office » Rasmi: Sanju iyo Isniintiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Rasmi: Sanju iyo Isniintiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

Filimka Sanju ayaa keenay 9.25 Crore Isniintiisa labaad haatana mudo 11-maalmood ah wuxuu gudaha Hindiya kasoo xareeyay 271 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Sanju filimka sanadkan 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyay Arbacada ayuu noqon doonaa asigoo dhaafi doono filimka Padmaavat oo sanadkan keenay 284 Crore.

Waxaa muuqato in Sanju todobaadkiisa labaad keeni doono 93 Crore ilaa 94 Crore balse ka mid noqon doono filimada naadirka ah ee todobaadkooda labaad 100 Crore soo xareeyeen sida Baahubali 2 (142.52 Crore) iyo Dangal (111.56 Crore).

Sanju waxaa ku fiicneyd Isniintiisa labaad inuu keeno 11 Crore ugu yaraan si uu iskoorka lacagaha filimka Dangal u hiigsado.

Sanju 10-ka maalmood ee ugu horeesay 1 Crore ayuu lacag ahaan Dangal ka hooseeyay balse 14-maalmood kadib wuxuu ka hooseen doonaa 10 Crore weyna ku adkaan doontaa rikoorka Dangal 375 Crore inuu gaaro.

Laakiin Sanju waa hubaal ahaan inuu ka talabasan doono Tiger Zinda Hai oo 339 Crore soo xareeyay waxayna u badan tahay Sanju 350 Crore ilaaa 360 Crore cimri ahaantiisa inuu ku istaagi doono.

Fadlan hoos kaga bogo Sanju lacagaha uu soo xareeyay mudo 11-maalmood ah sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 200.08 Crore

Jimco labaad- 12.50 Crore

Sabti labaad – 21.25 Crore

Axad labaad – 28 Crore

Isniin labaad – 9.25 Crore

Todobaadka labaad – 71 Crore (Mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 271.08 Crore (Trade Figure)

One Response to Rasmi: Sanju iyo Isniintiisa labaad ganacsiga uu sameeyay

  1. Ayaan muuse Reply

    July 10, 2018 at 6:01 pm

    hanbalyo RK IYO dhamaan teamka sanju

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *