Rasmi: Sanju oo noqday filimka 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyo iyo Padmaavat oo laga talaabsaday

Hamblayo Ranbir Kapoor iyo Director Rajkumar Hirani Madaama Filimkiina Sanju Noqday 2018 Midka Ugu Lacagta Badan.

Filimka Sanju ayaa maalintii shalay ahayd ama arbacadiisa labaad keenay 6.25 Crore taasi oo ka dhigtay mudo 13-maalmood ah inuu soo xareeyay 285 Crore (Trade Figure) si rasmi ahna 2018 filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay ayuu ku noqday.

Sanju wuxuu ka talaabsaday filimka weyn Padmaavat oo horey usoo xareeyay 282.28 Crore (Trade Figure) sidoo kalena ahaaa filimka 2018 lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Sida muuqato Sanju todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 91 Crore ilaa 92 Crore ganacsi u dhaxeeyo sidoo kalena darajada 300 Crore wuxuu gaari doonaa Sabtigiisa sedexaad marka uu ganacsi wacan sameeyo.

Sanju wuxuu noqon doonaa filimka 7-aad ee darajada 300 Crore gaaro waxaana darajadan kaga horeeyeen filimada Big Blockbuster-ka ah  PK, Bajrangi Bhaijaan, Sultan, Dangal, Bahubali – The Conclusion, iyo Tiger Zinda Hai.

Laakiin Sanju tirada tikit u goosatay wuu ka yaraan doonaa 7-filim ee darajada 300 Crore horey u gaareen weliba Sanju waxaa ku adkaan doonto 30-milyan oo qof inay tikit u goosatay sababtana waxay tahay filimkan tiyaatarada Multiplex kaliya inuu ku xuugan yahay halka tiyaatarada Single Screens uu ku liito laakiin filimada kale ee 300 Crore horey u gaareen labada dhinacba wey ka gadmayeen.

Fadlan hoos kaga bogo mudo 13-maalmood ah iyo filimka Sanju lacagaha uu gudaha Hindiya kasoo xareeyay soona daabacday shabakada BOI:

Todobaadka kowaad – 200.08 Crore

Jimco labaad- 12.50 Crore

Sabti labaad – 21.25 Crore

Axad labaad – 28 Crore

Isniin labaad – 9.25 Crore

Talaado labaad – 7.50 Crore

Arbaco labaad – 6.25 Crore

Todobaadka labaad – 84.75 Crore (Mudo 6-maalmood ah)

Wadarta Guud – 284.83 Crore (Trade Figure)

1 Comment

Comments are closed.