Kadib geeridii ku timid Superstar Rishi Kapoor waxay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabaceysaa maqaalo kala duwan oo ay kaga hadleyso awoodi Rishi ku lahaa fanka Hindiya haatana waxay shabakadan ku dhawaaqday in Rishi ka mid yahay 10-ka atoore ee taariikhda fanka sameeyeen 25-filim HIT dhameestiran iyo ka badan la imaadeen waana darajo aan la gaari karin.

BOI waxay ku dhawaaqday magacyada 10-ka atoore ee taariikhda fanka Hindiya 100-ka sano iyo ka badan jiro qaanada gaarka ah ku jiraan madaama 25-filim HIT dhameestiran sameeyaan oo ay weliba hogaamiye ka yihiin looma xisaabinin aflaanta ay door caawiye ku leeyihiin ama door iska dhex dhexaad ah oo aysan saameynta lahayn.

10-kan atoore BOI waxay u aqoonsatay inay yihiin kuwa ugu weyn ugu awooda badan taariikhda fanka Hindiya ileen darajadan atoore kasto ma gaarin mana ahan ciyaar ciyaar in la sameeyo 25-filim HIT dhameestiran oo atooraha isaga kaligiis aflaantaas hogaamiye ka yahay.

Fadlan hoos kaga bogo magacyada 10-ka atoore ee fanka Hindiya ugu weyn ugu guulaha badan taariikh ahaan madaama hal beega xujada ah ka talaabeen oo ay heestaan 25-filim HIT dhameestiran noqdeen:

1. Dilip Kumar

2. Dharmendra

3. Rajesh Khanna

4. Jeetendra

5. Amitabh Bachchan

6. Rishi Kapoor

7. Mithun Chakraborty

8. Salman Khan

9. Akshay Kumar

10. Shahrukh Khan

10-kan Superstar ee sare ku xusan kama dhigno 25-filim HIT dhameestiran kaliya inay sameeyeen tiro ka badana wey sameeyeen balse waa 10-ka superstar ee taariikhda fanka Hindiya sameeyeen 25-filim Hit ah oo ay iyaga hogaamiye ka yihiin (Male Lead) ama 100% guulaha sabab u ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here