Maanta oo kale labo sano ka hor waxaa la daawaday filimka Pad Man ee Superstar Akshay Kumar, Sonam Kapoor iyo Radhika Apte wada jileen waxaana Director ka ahaa R Balki waana filim fariin waaqici ah xambaarsanaa siweyn loo amaanay Kumar doorkii uu qaatay.

Haddaba inta badan waxay dood ka taagneyd natiijada rasmiga ah filimka Pad Man balse maanta keedka shabakada Boxoffice India (BOI) waxaa lagu soo daabacay Pad Man inuu yahay filim guul dareestay oo Below Average ah kaasi oo lacagtiisa wax yar lumiyay inkastoo markii hore loo heestay filimkan inuu yahay mid guuleestay oo Average ah.

Macluumaadka filimka Pad Man oo dhameestiran laguna soo daabacay keedka shabakada Boxoffice India (BOI) fadlan hoos kaga bogo:

Xiliga la daawaday: 9 Feb 2018

Tiyaatarada la saaray: 2700

Sida uu ku furmay: si dhex dhexaad ah

Maalinta kowaad ganacsiga uu sameeyay: 9.81 Crore

Sedexda maalmood ugu horeyso ganacsigiisa: 38.80 Crore

Todobaadkiisa kowaad lacagaha uu keenay: 59.74 Crore

Cimri ahaantiisa lacagaha uu keenay: 78.22 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 76 Crore

Lacagaha saami ahaan kaga heleen qolyaha cajaladaha qeybiyaan: 39.47 Crore

Tirida tikit u goosteen: 6-milyan iyo 905,000 oo qofood.

Natiijadiisa rasmiga ah: Below Average

F.G: Filimka Pad Man waxaa cajaladihiisa qeybisay shirkada Sony Pictures oo laga siiyay 40 Crore waxay ahayd inuu 80 Crore ugu yaraan gudaha Hindiya kasoo xareeyo si uu filim bad baaday u noqdo laakiin waxyar ayuu ka gaabiyay madaama 78 Crore keenay sidaas ayuuna ku noqday filim guul dareestay oo Below Average ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here